Tuesday, April 20, 2010

WAR DEG DEG AH---Dagaal La Isku Adeegsaday Hubka Cul Culus Oo Saaka Ka Bilowday Deegaanada Galcad Oo Hoos Taga Gobolka Galgaduud


Wararka ka imaanaya Deegaanada Galcad iyo Messega-way oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in dagaalo ay ka qarxeen, kadib markii deegaanadaas ay gudaha u galeen maleeshiyo taabacsan ururka Alshabaab.


Sida ay wararku sheegayaan dagaaladan oo goor dhow bilowday ayaa ka dambeeyay markii Shabaab oo ka soo duulay dhinaca Sh/Dhexe ay galeen deegaanadaas, waxaana saaka lagala hortagay u iska caabin adag ayadoo haatan uu dagaalku socdo oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka laga helayo Deegaanka Messega-way ayaa sheegaya in rasaas culus ay ka dhaceyso nawaaxiga deegaankaas, waxaana soo rogaal celiyay Ciidamada Ahlu Sunah oo deegaanka ku sugnaa, kuwaasoo sida la sheegay isaga baxay markii Shabaab soo galeen deegaanka.

Dagaalka oo xowli ku socda ayaa la soo sheegayaa in la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadkii deegaanka ay bilaabeen in ay isaga qaxaan, iyagoo ka baqdin qaba in ay ku waxyeeloobaan dagaalka.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News