Sunday, April 25, 2010

Guddoomiyaha Kooxda Ahlu Sunnah ee Gobolada Dhexe oo Maata Ka Degay Caabudwaaq


Wafdigaanoo uu hogaaminayo Gudoomiyaha guud ee maamulka Culumaa’udiinka AhluSunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa maanta kulan waxauu la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee magaalada Cabudwaaq iyo qeybo katirsan Maamulka.

Xubnahamaanta uu la kulmay ee ka tirsanaa Odayaasha Dhaqanka ayaa kulanka uula qaatay waxyaabaha ay ka wada hadleen waxa ugu muhiimsanaa xogwaraysi iyo war bixin uu ka siinayay socdaalkii maalmihii ugu dambaysayuu ku kala bixinayay qeybo kamid ah dalalka Deriska la ah dalkaSoomaaliya gaar ahaan dalka Ethiopia iyo Kenya oo uu booqasho ku tagay.

Waxauu sidoo kale sheegay in uu gobolka Galgaduud uu joogi doono 2-damaalin ee soo socota iyadoo Odayaashana ay war bixin u gudbiyeen taasioo aheyd qaabka wada shaqeyn ee ay doonayaan in la yeesheen maamulkaCulumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka arimiya qeybo kamid ahgobolka Galgaduud, waxaana ay u balan qaadeen in ay la shaqeenayaanisaga iyo maamulkiisa.

Gudoomiyaha maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobolda Dhexe oo gaaraymagaalada Cabduwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ku soo dagaymagaalada Gaalkacyo isagoo markii hore ka soo duulay magaalada Nairobiee caasimada wadanka Kenya waxaana uu taranseet ku maray magaaladaMuqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya.

Ma jiraan wax kulan ah oo dhexmaray Guddomiyaha iyo Golayaasha Culumaa’udiinka Ahlu Sunnaoo jooga magaalada oo xiligan dowladda KMG wada hadal kula leh qeybokamid ah magaalada Muqdisho.

Wafdigauu hogaaminayo Macalin Maxamuud ayaa u balan qaaday Saxaafada in aywarbixin siin doonaan maanta taasi oo ay uga warbixinayaan socdaalkoodaiyo kulanka ay la wadaageen Odayaasha iyo waxyaabaha uu kusalaysanyahay socdaalka xiligan ay ku gaareen gobolka Galgaduud.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News