Friday, April 30, 2010

Wafdi Balaaran Oo Ka Socday Bankiga Islaamka Oo Maanta Soo Gaaray Magaalada Garowe


Wafdi ka socday Bankiga islaamka ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe xarunta Gobalka Nugaal islamarkaana xarun u ah maamulka Puntland.


Wararka nagasoo gaaraya magaalada Garowe ayaa xaqiijinaya in maanta garoonka diyuuradaha magaaladaasi kasoo degeen wafdi ka koobnaa ilaa iyo 2 Xubnood oo katirsan Madaxda Bankiga Islaamka.


Markii ay wafdigu magaalada soo gaareen waxay booqdeen xarumaha caafimaadka magaalada iyo jaamacadaha Waxbarashada magaalada maadaama u jeedka wafdigaasi ahaa horumarinta arrimaha Punlshada.


Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland Dr. C/laahi Warsame oo shir Jaraa'id ku qabtay Garowe ayaa sheegay in wafdigan ay kala hadaleen qodobo muhiim ah oo u jeedka socdaalkoodu ahaa waxaana kamid ahaa qodobadaasi.


1. In Bangiga Hormarinta Islaamku uu ka qaybqaato dhisida iyo dayactirka Goobaha Adeega Caafimaadka.


2. In Dhakhaatiir Takhasus leh ugu deeqaan Cusbitaalada guud ahaan Puntland iyadoo Wasaaradu codsatey 10 dhakhtar.


3. In Bangiga Hormarinta Islaamku uu tabobar u sameeyo Shaqaalaha Caafimaadka uuna takhasus u diro dhakhaatiirta.


Wafdigan ka socday Bankiga Islaamka ayaa balan qaaday in ay mashaariic ka fuli doonaan magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Burtinlle oo dhamaantood kawada tirsan Maamulka Puntland, ma ahan markii ugi horaysay oo ay Ururo Horumarineed booqasho ku tagaan deegaanada Puntland.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News