Monday, April 26, 2010

Ururka Ahlu Sunnah Ayaa ku Eedayey Sheikh Shirif iyo AMISOM Xasuuq ka Dhan ah Shacabka


Ururka Ahlusuna ayaa si kulul u cambaareeyay duqaymihii culus ee shalay magaalada Muqdisho ay ku garaaceen Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho waxayna ahlusuna ku tilmaantay Xasuuq.

Afhayeenka Kooxda Ahlusuna Yuusuf Qaadi oo saxaafadda Muqdisho lahadlay ayaa ku Eedeeyay dowlada KMG ah iyo AMISOM in ay ku jiraan dagaal aan dhamaad lahayn oo khasaara kasoo gaaro Shacabka.

Ahlusuna waxay sheegtay in duqaymaha loo gaysto Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha kale ay yihiin kuwa maata lays ah oo aan guul lagu gaari karin "Ahlusuna way ka xuntahay Xasuuqa ay shacabka soomaaliyeed kala kulmayaan AMISOM iyo Dowlada KMG ah, duqaymihii shalay Bakaaraha ka dhacay cadaw lagulama dagaalamin ee shacab masaakiin ah ayaa lagu laayay"ayuu yiri Al qaadi.


Ururka Ahlusuna wuxuu intaasi raaciyay in Dowlada KMG ah iyo AMISOM aysan kala aqoon qaabka loo dagaalamo "In sidaan Shacabka Madaafiic loogu garaaco waxaa dhaanta in faraha laga qaado Muqdisho Cadawga Khawaarijta ha iska gumaysto sidaas ayaa dhaantay intii madaafiic lagu layn lahaa shacabka Muqdisho"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Al Qaadi.


Cambaarayntan kasoo yeertay Ahlusuna ayaa kusoo aadaysa xili Dowlakada KMG ah iyo Ahlusuna Wadahadal uga socdo magaalada Muqdisho lamana oga Eedaynta Ahlusuna waxa uu u dhimi karo Heshiiska kala dhexeeya dowladda KMG ah.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News