Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, April 24, 2010

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo dhaliil u jeediyay Ahlu Sunah, sheegeyna in ay ku mashquuleen xil qeybsi.

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa dhaliil xoogan u jeediyay Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah, isagoo sheegay in ay ka gaabiyeen Howlahihii deegaanada ay gacanta ku hayeen.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Ahlu Sunah madaxdooda ay ku mashquuleen xil qeybsi, isla markaana taa sababteeda ay noqotay in lagala wareego qeybo ka mid ah Gobolka G/gaduud sida uu hadalka u dhigay.


"Ahlu Sunah waxay maalmahan ka gaabiyeen howlahooda, gaar ahaan meelihii ay gacanta ku hayeen, waxay ku mashquuleen xilal qeybsi iyo jago raadin"ayuu yiri Siyaasigan oo ku sugan dalka Ingiriiska.

Siyaasigan ayaa sheegay in Alshabaab u fududaatay in ay weeraraan deegaanada Ahlu Sunah, isagoo ku macneeyay qorshaha dagaal ee Shabaabka, mid ka dambeeyay ku mashquulida Ahlu Sunah ku mashquuleen xilal ay ka helaan Dowladda KMG.

Culumaa'udiinka Ahlu Sunah ayaa waayay deegaano dhowr ah oo ay maamulayeen bilihii la soo dhaafay, iyadoo Mas'uuliyiintooda sare ay ku sugan yihiin Caasimada Muqdisho, iyagoo daneynaya xilal ay ka helaan Dowladda.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Shabaab qabsadeen deegaanada dhaca dhinaca Bariga Gobolka Galgaduud, waxaana halkaas Shabaab geeyeen Cudud ciidan oo aad u fara badan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News