Friday, April 23, 2010

Shan Ruux oo Soomaali ah oo Labo is Dhalay ay ku Jiraan, Ayaa lagu Dilay Dalka Koonfur Africa

Ilaa shan ruux oo Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay dalka K/afrika, xilli dadkaas ay u ganacsanayeen goobo ganacsi oo ku yaalay Tuulo u dhow magaalada Portelezabeth.
Sida ay sheegayaan wararka afar ka mid ah raggaas ayaa lagu dilay hal goob, kuwaasoo labo ka mid ah ay ahaayeen wiil iyo aabihii, kadib markii ay weerar ku qaadeen Kooxo Burcad ah.


Wararka ayaa sheegaya in Kooxahan burcad K/Afrikanka ay rasaas ku fureen ganacsatadaas Soomaaliya, oo ku sugnaa Mihnadooda ganacsi, waxaana falkan uu cabsi iyo jahwareer ku abuuray soomaalida ku dhaqan dalkaas.

Sidoo kale weerar kale oo lagu qaaday goobo ganacsi oo ay lahaayeen Soomaalida ayaa lagu dhaawacay wiil ganacsade ahaa, waxaana booliska K/Afrika oo soo gaaray halkaas u suura geli weyday in ay qabtaan burcada.

Dilalka iyo ugaarsiga lagu haayo Soomaalida ku nool K/Afrika ayaa mudooyinkii u dambeeyay ahaa mid joogto ah, waxaana jiray sii xoogeysanayay jinsi naceybka dadka soo galootiga.

Mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan K/Afrika ayaa sheegay in inta badan falalkan ay ka dhacaan deegaanada Tuulooyinka, taasoo sabab u ah in magaalooyinka waa weyn ee dalkaas aanay awoodi karin in Soomaalida ku ganacsadaan.
Ma ahan markii u horeysay ee lagu K/Afrika ganacsato Soomaali ah, sanadihii u dambeeyay ayaa lagu dilay dalkaas Soomaali badan oo ka cararay dhibaatada iyo dagaalada dalka Soomaaliya.
 
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News