Wednesday, April 21, 2010

Musuq Maasuq Ay Sameeyeen Masuuliyiinta Dowlada Oo Ugu Horeeyaan Sharmaarke iyo Shikh Shariiif

Kolkii dowladnimadii Somaliyeed dhaafi weydey ku meel gaar, hogaanka Al-islaaxa ah ee iminka ka arimiya Villa Soomaaliya ay ku howlan yihiin sugidda amaankooda, ayaa waxaa lagama maar maan noqotay in la helo cid ka hadasha musuq maasuqa.



Baaritaan dheer ka dib, waxaa noo suuro gashay inaan helno xog ku saabsaabsan musuq-maasuqa  koxda Shiikh Sheriif iyo Sharmaarke, oo iyagu ku hawlan sidii jeebabka loo buxsan lahaa inta aan iyagana meesha laga eryan sidii ay uga ergaydeen Abdullaahi Yusuf. War bixintan hoos ku qoran waa qayb aad u yar  marka aad eegto baaxadda uu lee yahay dhaca iyo boobka lagu hayo waddanka.


Dhoofinta Xoolaha


October 2009, Raysal Wasaaraha Soomaaliya Omar Abdirashid iyo ninka madaxda u ah, Shiikh Sherif waxay ku wareejiyeen xoolaha Soomaliya laga dhoofiyo nin Sacuudi ah oo la yiraahdo Mr Qaa'id Abu Yaser.

Soomaaliya waxaa wakiil uga noqday shirkad la yiraahdo Banaadir Trading. Waxaa heshiiskaas ka qeyb galay Wasiirkii warfaafinta Oomaar, Wasiirka Ganacsiga Ciro, Wasiirka Xoolaha Abuukar.

Ninkaas Sacuudiga ah waxaa laga qaatay lacag laaluush oo loo kala qaybsaday sidan hoos ku xusan:
Shikh Shirif         $90 Kun

Omar Abdirashid $75 Kun

Oomaar $15 kun

Abukar $18 kun

Cirro $25 kun


Ninka sacuudiga ah waxaa loo saxiixay malaayiin doolar inuu ku qaato xoolaha Soomaaliya. Waxaa ceeb ah in ninkii lacagta laga qaatay in looga baxay balankii waa sida ay sheegeen dad ku dhow dhow.

Nin kale oo Sacuudi ah oo tartan kula jira ninkan kor ku xusan ayaa Shariif la soo xiriira, xoolihiina mar kale loo saxiixay asagoo bixiyey lacag dhan $250 kun oo doolar.

Lacagtaas sida loo qeybiyey weli ma hayno. Ninka dambe waa ninkii casumaaddda sharaf darada ah u suubiyey Shiik  sharief in uu asagoo aan dowladda sacuudigu casumin uu tago halkaa oo si lama filaan ah kula kulmo boqor Abdalla oo Jaamacad furaya.

Waxaa kale oo jira eedaymo ku saabsan Lacago laga qaato Viisooyin, Skoolarship, iyo musuqmaasuqyo kale oo baaxad wayn. Haddii illahay idmo mark ay noo suuro gasho ayaan idiin soo gudbin doonaa.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News