Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, April 23, 2010

Maxamed Qanyare "Sheriiif wuxuu ku xad gudbay axdi Qarameedka, Aadan Madoobe waa dhacay"

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Xildhibaanada ugu saameynta badan ee Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed inuu ku xadgudbay Axdiga u degsan Dowladda KMG.
Qanyare ayaa sheegay in Madaxweynaha uu la saftay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, waxaana uu si cad uu cadeeyay in uu dhacay Gudoonka Baarlamaanka..


"Shariif wuxuu ku xad gudbay Axdiga KMG, wuxuuna maalmahan ku dhex jiray Xildhibaanada Baarlamaanka, ugu dambeyna wuxuu la saftay Aadan Madoobe"ayuu si kulul u yiri Maxamed Qanyare oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Maxamed Qanyare ayaa tilmaamay in Aadan Madoobe uu xilkiisa dhamaaday, isla markaana shantii sano ee la doortay ay ku ekeyd bishii Agosto ee sanadkii hore sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu ku eedeeyay Aadan Madoobe inuu kala diray Baarlamaanka, isla markaana uu diidanaa kalfadhiyada Baarlamaanka, maadaama uu tibaaxay in xilkiisa dhamaaday.

Khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka oo meel xun maraya ayaa haatan waxaa xalinteeda ku dhex jira Wafdi ka socda Dowladda Jabuuti oo dadaal ugu jira in dhinacyada khilaafka u dhaxeeya in ay u caqli celiyaan.
 
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News