Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, April 26, 2010

Madaxwaynaha Maamulka Soomaliland oo ka Degay Addidababa



Madaxweynaha maamulka Somaliland Mr Daahir Rayaale Kaahin iyo wefitigii uu hogaaminayey ayaa maanta gaadhay Magaalo Madaxda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, iyadoo Madaaarka ay si diirran ugu soo dhaweeyeen, madax sar sare oo ka socotay Dawladda Ethiopia oo uu horkacayey, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda maamulka Somaliland
 oo uu horkacayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo weftiga halkaas ku sii sugayey.



Madaxweynuhu Somaliland Daahir Riyaal intaanu ka soo ambabixin Dalka Djibouti, wuxuu kulan la yeeshay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle, kullankaasi oo labada Madaxweyne ay iskaga waraysteen xaaladdaha Gobolka Geeska Africa gaar ahaanna kan labada maamul u dhaxeeya.



Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa immaantinkoodii Djibouti ku soo dhaweeyay gegida diyaaradaha ee magaalada Djibouti, Raiisal Wasaaraha Dalka Djibouti, Mudane Dileita Mohamed Dileita, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane, Cali Cabdi Faarax iyo Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Siciid Barkhad.



Mr Dahiir Riyaale iyo weftigiisu waxay maalinta berri ah guda gali doonaan safaro kale oo ay caalamka ugu sii socdaalayaan.




Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News