Wednesday, April 21, 2010

Madaxda Soomaalida Kenya Oo Ku Baaqey In La Taageero Dastuurka Cusub

(Nairobi) Waxaa maalintii shalay ku yeeshay magaalada Nairobi kulan wasiiro iyo xilbaanada Soomaalida reer Kenya ugu jira dowlada Kenya. Waxyaabha ugu wayn e laga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii loo taageeri lahaa dastuurka cusub ee dhawaan uu baarlaamka Kenya ansaxiyey.


Kulankan oo ahaa mid ay mas'uuliyiintii ka qayb gashay ay isku dhaafsadeen dood wax ku ool u ah dadka degan Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Madaxdu waxay ky codsadeen shacabka ku dhaqan gobolka Soomalida ee Northeastern Province, in ay si buuxda u taageeraan dastuurka cusub.
Madaxdii kulankaasi ka qeybgashey waxey si kulul u cambaareyeen dadka kasoo hor jeeda dastuurka. Wasiirka gaashaandhiga Mr. Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa weerarey kooxaha u ololeyneya in dastuurka ladiido wuxuuna kutilmaamey kuwo qas iyo naceeb kadhax abuuraya bulshada Kenyanka ah wuxuuna sheegey in maxakamada qaadigu ay tahay mid aan waxba udhimeynin kirishtanka iyo diimo kale midnaba.

kulankaan oo madaxdii kaqeyb gashey ay kamid ahaayeen wasiirka gaashaan dhiga Yuusuf Xaaji,  kuxigeenka afhayeenka baarlamaanka Faarax Macalin iyo xilibaano ay kamid yihiin aadan Bare Ducaale , Aadan Keynaan ,iyo masuuliyiinkaloo badan kulankaan ayaa imanaya ayadoo maalmahaanba ay socdeen olole ay wadaan qaar katirsan siyaasiyiin iyo odayaalba. kuwaas oo kasoo horjeeda dastuurka cusub in la meel mariyo ayagoo diidan in dastuurka lagu daro maxakamada muslimiinta ee qaadi court-ka loo yaqaano iyo in naagaha ay iska sooridikaraan ilmaha iyo qodobo kale lamana oga waxaa uu soo kordhin karo baaqaan ay soo jeediyeen masuuliyiintaani .

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News