Sunday, April 25, 2010

Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah

Madaafiicsababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ayaa galabta ku dhacayXaafado ka mid ah Mqudisho iyadoo iskahorimaadna uu ka dhacay isgoyskaDabka ee Magaalada Muqdisho.

Duqeymahaani galabta dhacay oo kamid ahaa kuwii ugu xooganaa ee wayaahaan soo maray MagaaladaMuqdisho ayaa waxa ay si siman u saameeyeen dadka ku dhaqan degmooyindhowr ah oo dadkii ku dhaqnaa ay ka argagaxeen madafiic sida roobka ugudul dhaceysay xaafadohooda.
Madafiicdaanoo mudo soconeysay ayaa waxa meelaha sida daran ay waxyeelada ugageysteen ka mid ahaa Suuqa weyn ee Bakaaraha oo si adag oo lama filaanah madaafiicdu ugu bilaabatay iyo xaafado kuyaala woqooyiga Muqdisho.

Inta la ogyahay waxa madaafiicdaan ku geeriyootay ilaa iyo 10 ruux halkaay ku dhaawacmeen 40 kale oo dhamaantoodba ahaa dad rayid ah, 37 kamidah dadkaasi waxa meelo kala duwan ka qaaday gaadiidka Ambalaasta eeNATIONLINK iyo Live Line Africa sida uu Shabelle u xaqiijiyay Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidkaasi.

Meelahamadaafiicdaan ay waxyeelada ka geysteen ayaa waxa ka mid ah isgoyskaHowlwadaag oo madaafiicdu ay ku dheceen iyadoo ay ku sugnaayeen dadbadan iyo gaadiid BL-ah halkaasi oo markiiba ay ku dhinteen ilaa iyo 3ruux oo 2 kamid ah ay rag yihiin halka qofka kalana ay Aheeyd haweeney,waxaana halkaasi ku dhaawacmay ku dhawaad 5 ruux oo kale sida uu inooxaqiijiyay qof goobjooge ahaa.

IslaWadada Wadnaha gaar ahaan agagaaraha isgoyska Bakaaraha iyo MasaajidkaMaclin Biyamaaloow ayaa waxaa ku dhimatay 2 ruux oo midkood ay ahaydhaweeney da’ah halka 7 kalana ay ku dhawaacmeen kuwaasi oo madaafiiciay ku habsatay sida uu Shabelle u sheegay qof ka mid ahaa dadkiimadaafiicdaasi ka baxsaday.

SuuqaSiinaay ee degmada Wardhiigley oo isna galabta kamid noqday goobaha uudhiigu ku daatay ayaa madaafiic ku dhacay waxa ay sababeen geerida ilaa 3ruux oo u badnaa dad ganacsato ahaa iyadoo ay ku dhaawacmeen 7 ruux ooisugu jiray qeybaha bulshada waxaana goobta madaafiicdaasi ay ku soodhacday dadku ay ka dareemeen jahwareer.

Madaafiicdaaniayaa la sheegayaa in ay timid kadib markii xoogaga hubaysan ayhoobiyaal ku weerareen xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya taasookeentay in ay u soo jawaabaan ciidamada AMISOM ee halkaasi ilaaliyawaxaana la ogeyn qasaaraha ay geysatay Madaafiicdii lagu weerarayMadaxtooyada.
Madaafiicdaasikadib ayaa iskahorimaadyo goosgoos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladaKMG iyo xoogaga kasoo horjeeda waxa ay ka dheceen agagaaraha isgoysyadaDabka iyo Lambar Afar, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha kadhashay ayaa hadana rasaasta oo mudo dhaceysay waxa ay saameen mudokooban ku yeelatay isku socodkii wadada Makka Al mukarama ee MagaaladaMuqdisho.

SuuqaBakaaraha oo galabta madaafiicda ay waxyeelo ka geysatay ayaa inkastooxaalad deganaasho ah laga dareemayay maalmihii ugu danbeeyay hadanama’aha wax ugub ku ah maskaxda dadka ku ganacsada iyo kuwa u sooadeegsi taga suuqa, dhacdooyinka nuucaan oo kaleah maadaama ay horay u arki jireen iyadoo uu suuqa kulansaday mashquulbadan, madaafiic badan iyo Meyd badan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News