Friday, April 30, 2010

Ku Xigeenka Hogaanka SSC Cali Xasan Axmed(Sabarey) Oo Soo Galay Gudaha Degaanka SSC-


Wararka ka imanaya degaanka Dharkeyngeeyo ayaa sheegaya in halkaas ay soo gaadheen hogaamiye ku xigeenkii Hogaanka SSC, Cali Sabarey iyo madaxa Hanti dhowrka Maxamed X. Buraale.


Xubnahan Hogaanka ayaa la sheegay in si aad u diiran loogu soo dhoweeyey degmadaas Dhareyn Geenyo.


Hogaanka SSC oo bishii Oktoobar ee sanadkii hore lagu doortay magaalada Nairobi, ayaa in dhoweyd la filayey inay dalka gudaha u galaan, iyadoo mar hore oo isku dayeen lagu xidhay magaalada Nairobi.

Labadan xubnood yaa lagu soo warmay inay soo mareen safar dhulka ah iyo dhinaca magaalada Muqdisho.

Weli ma cadda halka ay uga bixi doonaan magaalada Dharkeyngeeyo, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay tegi doonaan magaalada Buura Wadal.


Xigasho: Lasanod.com




0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News