Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, April 27, 2010

Kismaayo: Nin Gabdhiisa Dab Qabadsiiyey


Nin ka tirsan kooaxaha mayalka adag ee haysta magalaada Kismaayo ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sida ay wararku sheegayaan, dab qabadsiiyey gabadhiisa ka dib markay guursatay nin Soomaaliyeed oo dhiggeed ah.


Idaacad maxali ah ayaa tebisay in sababta uu ninkan oo magaciisa ay iddacaddu ku sheegtay Sh. Nuur Yare oo ku magac dheer Abuu Layle, uu sabab uga dhigay dabka uu gadhiisa qabadsiiyey inay guursatay nin aan caqiidadiisa Wahaabiga ah aan aaminsanayn.

Arinkan ayaa ah arin ugub ku ah ummadda Soomaliyeed oo ka siman diin iyo dhaqanba.

Xiriiro aan la samaynay Kismaayo ayaan noo suuro gelin inaan helno jagada uu ninkan qaatilka ah oo ka hayo maamulka.


Dalkayaga.com

2 comments:

  • Anonymous says:
    April 27, 2010 at 10:43 AM

    Ninkii sii noolaadaaba wax badan oo uu ka yaabiya wuu maqli doonaa.
    Ninka gabadhiisa diley oo raba inuu ummad dhan uu diin xaq ah ku maamulo.
    Waa ummad intii waalneydi ka xoog badnaatey intii miyirka qabey oo kuwa waalan falkoodii qiil loo hayo,

  • Bashir Baaruud/ Boston says:
    April 27, 2010 at 11:50 AM

    Innaa Llilaahi Wa Innaa Illahi Raajucuun. Ninkan ma lagu tilmaami karaa Muslim? Aragtidayda waa maya.

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News