Wednesday, April 21, 2010

Khilaafka Ururka Ahlu Sunnah

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay bogga Aljazeera.net waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya kooxda ahlusunna waljamaaca.
Waxaana warbixinta lagu sheegay in uu khilaafakaasi salka ku hayo labo arrimood oo kala ah:
 heshiiskii ay kooxdu la gashay DFKMG iyo shirweyne la damacsanyahay in kooxdu isugu timaaddo oo lagu wado inuu Itoobiya ka dhoco ama waddan aan la shaacinin oo ka mid ah waddamada carabta.

Ilaa iyo hadda wali ma cadda in shirkaasi qabsoomi doono iyo in kale waxaana dib loogu dhigay xilli aan la garaneynin ka dib markii uu madaxa kooxdaas Sh. Maxamuud Sh. Xasan codsaday in shirka qabashadiisa dib loo dhigo dagaallada ka sodca gobolada dhexe dartood.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan ururka Ahlu Sunnah ayaa Aljazeera.net u sheegay in khilaafka kooxda iyo DFKMG ah u dhexeeya uu saabsaan yahay heshiskii dhex maray labada dhinac uu ku qotomo afar sababood oo kal ah .

Dowladda ku meel gaarka ah oo aan diyaar u aheyn la dagaallanka ururka Alshabaab, dowladda kumeelgaarka ah oo isku dayeysa inay furfurto Ahlu Sunnah kana takhalusto, heshiiska labada dhinac dhex maray oo ka soo horjeeda ahdaaftii ururkaas, iyo ayada oo manaasibta kooxdu heleyso lagu qaybinayo 4.5 sida heshiisku dhigayo.

Sidoo kale ilo xogogaal ah ayaa Aljazeera.net u sheegay in hoggaanka ururkaasi si xooggan ugu tartamayo ciddii baddali laheyd guddoomiyaha ururka, ilaa iyo hadda lama xaqiijinin in gudoomiyuhu isu soo taagi doono doorasho kale, hase yeeshee dad ku dhow dhow ayaa caddeeyay in aanu ka tanaasuli doonin guddoomiyanimada ururka.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qoraal ay guddida qabanqaabada shirka ururka Ahlu Sunnah u gudbiyeen safaaradda Itoobiya ee Nayroobi 13/4/20010, sida ka muuqata qoraalkaas wuxuu Ururku tilmanay in xiriir xooggan uu ka dhexeeya iyaga iyo Itoobiya ayna ka shaqeynayaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkaas.

Sidoo kale waxaa warqaddaas lagu xusay inAhlu Sunnah tahay kooxda ugu awoodda weyn ee soomaaliya ka jirta, waxayse ictiraafeen ay kala daadsan yihin oo ayna nidaamsaneyn.
Gabagabadii waxaa qoraalku dowladda Itoobiya u soo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin,in la faafiyo mafaahiimta islaamiga ah ee ka soo horjeedda asalraacnimada!,iyo in la mideeyo awoodaha soomaaliya ka jira si looga takhaluso ururka alshabaab.

Warkan oo afka Carabiga kusoo baxay waxaa daabacay Aljazeer

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News