Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, April 25, 2010

Jabhadda ONLF oo digniino u soo jeedisay Hay’adaha Ajaaniibta ee ka howlgala dhulka Soomaalida


Jabhadda ONLF ayaa waxa ay digniino u soo jeedisay Shirakadaha iyo Hay’adaha Ajaaniibta ee ka howlgala dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia maamusho.

Xuseen Maxamed Nuur oo ah madaxa war faafinta Jabhadda ONLF oo isagoo ku sugan dalka Qadar lahadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo aykamid yihiin digniin ay ujeedinayaan hay’adaha Samafalka iyo dadkaAjaanibta ah ee ku nool dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia maamusho.

Waxa uu sheegay in hay’adaha Samafalka iyo Ajaanibta ku nool dhulka Soomaalida ee Ethiopiamaamusho ay uga digayaan in aysan raacin Ciidamada Ethiopianka ee kusagan halkaasi isagoo sheegay in ay ku tala jiraan in ay dagaalo kuqadaan Xarumaha Ciidamada Ethiopianka ay ku leeyihiin dhulka Soomaalidaee ay Ethiopia maamusho.

Sidookale waxa uu sheegay Xuseen Maxamed Nuur in 16-ka bishaan ay dagaalxoogan la galeen ciidamada Ethiopianka ah, waxaana uu sheegay in aydagaalkaasi ay guulo balaaran ka gaareen isagoo carabka ku dhuftay in Ciidamada Ethiopia ayka dileeen tiro kamid ah ciidamadooda kuwa kalana ay ka dhaawaceen aynabaabuur dagaal ka gubeen isagoo dhankiisa qirtay in dagaalkaasi ayCiidamadooda dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen.

Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia maamusho waxa ay dagaalo ku dhaxmaraayeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jabhadda ONLFkaasoo qasaaraha ugu badan ay ka soo gaarayeen dadka Rayidka ah,waxaana dadka halkaasi ku nool ay cabasho ka muujiyeen ciidamadaEthiopianka kuwaasi ay tacadiyo kala duwan kala kulmaan.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News