Friday, April 30, 2010

Jabhadda ONLF iyo kooxo taageersan Dowladda Itoobiya oo ku dagaallamay


Wararka laga helayo Degmada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya ayaa sheegaya in Jabhadda ONLF iyo kooxo Soomaali ah oo taageersan Dowladda Itoobiya ay ku dagaalameen todobaadkan Gobolka Qoraxey.
Dagaalkan oo ay labada dhinac guulo ka kala sheegteen ayaa waxaa la sheegay in tiro ka mid ah kooxaha taageersan Dowladda Itoobiya lagu dilay halkaas, iyadoo Dowladdu ay dhankeeda sheegatay in la dilay ciidamo ONLF ka tirsan.


Jabhadda ONLF ayaa waxay sii wadaa dagaallada ay kula jirto Itoobiya, iyadoo dhawaan uu heshiis xabbadjoojin ah uu dhexmaray Xukuumadda Addis Ababa iyo Jabhadda Xoreynta Soomaali-Galbeed, heshiiskaasoo ay labada dhinac ka hadleen.

Iskahorimaadyada ku dhexmaray Kooxaha taageersan Itoobiya iyo ONLF ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo culus, iyadoo jabhadda ONLF ay u suurogeli wayday inay qabsato deegaannadii lagu dagaalamay.
Dowladda Itoobiya aya sheegtay in 2.5-Milyan oo qof oo Soomaali ah ay u diiwaan-gashan yihiin inay codadkood ka dhiibtaan doorashooyinka Qaranka ee dhawaan dhacaya.

Balse Jabhadda ONLF ayaa sheegtay inay weerarro la beegsan doonto goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan ee Ismaamulka Soomalida-Itoobiya, waxayna sheegeen inay toogan doonaan cid walba oo doorashada ka qaybgasha.

Source: HOL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News