Friday, April 23, 2010

Hay’adda NESHA oo dhawaan dayactiraysa wadada u dhaxaysa Bosaso & Gaalkacyo


Hay’adda wadooyinka ee dawlada Puntland ayaa ka warantay mashaariic balaaran oo ay ku dayactirayso wadooyinka Muhiimka ah ee Puntland gaar ahaan wadada laamiga oo ay ka muuqato Bur bur soo gaaray maadaama in kabadan labaatan sano uusan helin dayactir joogta ah .


Mashruucan dayactirka ee laamiga lagu samaynayo ayaa nqon doona mid si wayn looga shaqeeyo iyadoo dayactirka laga soo bilaabi doono magaalada gaalkacyo ilaa Bosaso .


Gudoomiyaha Hay’ada NESHA C/nuur oo xalay warayso dheer sii nayay warbaahinta caalamiga ah ee SBC ayaa qiray in hay’adu haatan ay wado qorshayaal kala duwan kuwaas oo ku aadn hagaajinta wadooyinka maadaama ay intabadn shilal isdaba jog ah ay ka dhacaan dhanka wadooyinka uu uu bur bur balaaran ka muuqdo .


Gudoomiyaha hay’ada ayaa cadeeyay in marka uu dhamaado mashruuca dayactirka wadooyinka ee haatan ka socda wadada isku xirta Garoowe iyo Rabaable in ay ku xejin doonaan dayactirka wadada dheer ee laamiga ee isku xirta Magaalooyinka Bosaso ilaa Gaalkacyo oo runtii ubaahan dayactir balaaran .


C/ nuur ayaa afka ku dhiftay in hawl galkaas oo kale uu runtii u baahnyahay dhaqaale balaaran balaarn waxana uu sheegay in dhisida wadooyinka ay u baahnatahay in loo qorsheeyo dhaqaale farabadan maadaama y hawsha wadadu ay tahay mid aad ubalaraan .


Gudoomiyaha Hay’ada NESHA ayaa iska fogeeyay wax qabad la’aan lagu sheegay hay’ada waxana uu carabka ku adkeeyay in hawlaha dayactirka ay wadaan ay kuu muujhinayso sida ay uga go’antahay wax qabad balaaran .


Ugu dambayntii hadii hay’ada wadooyinka Puntland ay fuliso mashruucan dayactirka ee ay afka ku dhufatay ayay noqon doontaa mid ay si wayn usoo dhaweeyaan dhamaan bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland .
Wadada laamiga oo ah wado halbawla ah ayaa in tabadan waxaa jira in wadada uu ka muuqdo bur baur balaaran taasi oo keenta mararka qaar in uu kayimaadaan shilal kala duwan kuwaas oo ay dad ku dhintaan .


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News