Wednesday, April 28, 2010

Golaha amaanka oo isku raacay sharci ka dhan ah burcad badeedda


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si buuxda isugu raacay qaraar cusub oo ujeedadiisu ay tahay sidii uu u fududeyn lahaa in maxkamad la saaro isla markaana la xiro burcad badeeda laga qabto xeebaha Soomaaliya.


Qaraarkan oo qabyo ah uuna keenay dalka Ruushka ayaa ku baaqaya in la sameeyo nidaam caalami ah oo sharciga waafaqsan oo si wanaagsan wax looga qabto burcad badeednimada, iyadoo gacan buuxda lasiinayo ciidamada ilaalada xeebaha ee ku sugan biyaha Somalia iyo kuwa ku dhow dhow


Waxaa kale oo uu ugu baaqayaa dhamaan wadamada caalamka in ay dambi ka dhigaan burcad badeednimada sharciyada dalalkooda, islamarkaana ay qawaaniintooda ku daraan in burcad badeednimadu ay tahay dambi culus oo la galay.


Qaraarka ayaa xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Ban Kiin Muun ka codsaday in mudo sedex bilood ah uu ku soo diyaariyo sharciyo hordhac ah oo ku aadan qaab caalami ah oo ku aadan la dagaalanka Burcadbadeedda.


Inta badan burcad badeedda ay qabtaan maraakiibta ciidamada badda ee caalamiga ah ee ku sugan biyaha ku xeeran somalia ayaa lagu wareejiyaa dalalka Kenya iyo Seychelles, halkaasi oo lagu maxkamadeeyo, laakiin waxaa jira walaac ku saabsan nidaamka xagga sharciga iyo sida loola dhaqmayo, iyadoo labadaasi dal mudooyinkii ugu dambeeyay ay diideen in dalalkooda lagu maxkamadeyo ragga ku eedeysan burcad badeednimada.


Kenya ayaa ku doodeysa in beesha caalamka ay kaga baxday heshiiskii ku aadanaa maxkamadeynta burcad badeedda, islamarkaana ay jiraan dhibaatooyin kasoo wajahay xagga garsoorka iyo dhaqaalaha ku baxa inta ay maxkamaddu ku socoto eedeysanayaasha, halka jasiiradda Seychelles ay ku andacootay in xabsiyadeeda oo aad u qaad yar ay buux dhaafiyeen burcad badeed maxkamad sugayaal ah.


Qaar ka mid ah burcad badeedda Soomaalida ayaa la sii daayay markii la kala cadeyn waayay cidda dacwadda kusoo oogeysa, waana taas sababta keentay in golaha amaanka uu isku raaco sharcigan cusub ee lagu maxkamadeynayo shufta badeedda soomalida.


Qaraarkan cusub ee xalay uu ansixiyay golaha amaanka ee Qaramada midoobey ayaa kusoo beegmaya xili hay’adda badmaaxiiinta calamka ee fadhigeedu yahay magaalada Kulalambur ee dalka Malasia warbixin ay soo saartay ay ku sheegtay in 20% uu hoos u dhac ku yimid weerarada guuleysta ee burcad badeedaa soomaalida marka loo eego sanadii 2009.



Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News