Sunday, April 25, 2010

Eedeyn ay Human rights u jeedisay Amisom iyo dowladda kenya

Warbixintan oo ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dalka Kenya iyo xoogagga midowga Africa ka jooga Somalia la sheegay in ay si aan sharci aheyn uga qeyb qaadanayaan dhibaatada iyo dagaalada ka huraya dalka Somalia.

Saraakiil Kenyan ah ayaa la sheegay in ay si toos ah taageero u siiyaan dowladda KMG Somalia, iyagoo ciidamo aad u d’a yar ka qoraya xeryooyinka qaxootiga Kenya gaar ahaan xeradda Dhadhaab oo ku taala gobolka soomaalidu ay dagto ee waqooyi bari Kenya.
Ciidamo qoristan ayaa warbixinta lagu sheegay in dowladda Kenya ay bilowday bartamihii sanadii hore, inkastoo dowladda Kenya ay taasi si cad u beenisay.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa goor sii horeysay dowladda Kenya ugu baaqay in ay joojiso waxyaabaha ka baxsan sharciga caalamiga ah oo ay sameyneyso, sida in ay qorto dhalin aad u d’a yar si ay uga dagaalamaan gudaha Somalia, iyagoo tageero siinaya dowladda KMG Somalia.
Dhinaca kale warbixinta ay soo sartay Human rights watch ayaa ciidamada midowga afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho ku eedeysay in ay madaafiic ku garaacaan meelaha ay sida aadka ah ugu badanyihiin dadka rayidka ah.
Warbixinta ayaa lagu xusay in marka ay AMISOM duqeyn kala kulanto dhinacyada kasoo horjeeda dowladda KMG iyo joogitaankooda somalia ay kabixiyaan jawaab adag, taasi oo dhalisa in halkaasi ay ku lunto nolosha tobonaan qof oo aan waxba galabsan.
Ugu dambeyn ayaa warbixinta waxa ay mareykanka ka codsaneysaa in uu joojiyo taageerada xagga madaafiicda iyo hubka fudfudud ee uu siinayo dowladda KMG Somalia, inta ay dowladda uga hogaansameyso qawaaniinta caalamiga ah ee xagga dagaalka.
Sidoo kale Qaramada midoobey, midowga Africa iyo mareykanka ayey Human right watch ka codsatay in ay hakiyaan isbaheysigooda indha la’aanta ah oo ay kaga horjeedaan xoogagga dowladda ku kacsan.
Dowladda KMG ayey warbixintu sheegrysaa in ay heysato fursad ay dalka Somalia ugu soo celin karto daganaasho iyo nabadgalyo inkastoo dowladda lagu sheegay mid aad u taag daran halka Shabaabul mujaahidiin oo ah urur mucaaraddo xoggan kala horjeeda dowladda lagu sheegay in ay awoodooda kor usii kaceyso, waxaana madaxda Al-shabaab qaar kamid ah lala xiriiriyay in ay xiriir soke la leeyihiin hogaamiyaha urur weynaha Al-qacidda Sheekh Osama Bin Laden.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News