Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, April 23, 2010



Dowlada KMGS ayaa ka bilowday degmooyinka ay ka arrimiso ee Magaalada Muqdisho olole ay dadka qaar ku tilmaameen barakac kale oo ay u geysanayaan dad barakac ah oo soo degay guriyihi hore ee dowlada.

Ciidamo ku hubeysan baabuurta dagaalka ayaa shalay isku gadaamay dhismaha Bankigii hore ee Ganacsiga iyo Wasaaradii hore ee Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee degmada Shingaani halkaas oo ay ku noolaayeen qoysas barakac ah.


Ciidamadaasi waxay xoog uga saareen dadki deganaa oo ah dad horay uga soo barakacay degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho, haba u badnaadeen dad ku bah ah Eng. Xuseyn Caddow oo ahaa siyaasin caan ka ahaa dalka Soomaaliya.


Qoysaska guryaha laga bixiyey ayaa ku calaacalay in aysan heysan meel ay abbaaran ama ay hooy ka dhigtaan, waxaana la arkayey iyaga oo fadhiya wadada laamiga ah horteeda. Qoysaskaas oo ku dhawaaqay erayo ay ka mid yihiin "Shiikh Sharuf ha dhaco, dowladdiisana ha dhacdo, guryaha uu naga saaran ma wuxuu dejinyaa Afgaanistaanta isaga taageerta."


Ma jirin wax digniin ah oo ay dowlada horay usiisay dowlada, waana arrinta ay dad badan dhaliileen maxaa yeelay waxaa laga yaabay in mar hore ayey dadkaasi tabaabusheystaan.


Sidoo kale ciidamada dowlada ayaa sheegay in ay abaari doonaan guryaha kale ee dowladii hore, waxaa ka mid ah Madxafkii hore ee qaranka.


Dhawaan ciidamada Shiirifka waxay qoysas ka saareen guri kasoo horjeedo madaxtooyada ee Villa Somalia.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News