Monday, April 26, 2010

Heshiis laga Gaadhay Colaad u Dhaxaysay Qaxooti Soomaali ag iyo Yamaniyiin


Dadka barakacayaasha ee ku dhaqan dalka Yaman gaar ahaan xerada alkharaz ee dalkaa aya sheegay in xal laga garay colaado dhawaanahaan u dhaxeeyay dadka yamaniinta ah ee xeradaa ku dhaqan iyo dadka qaxootiga Soomalida ah.

Xiisadaan Colaadeed oo aheed mid sababtay in Qaxootiyada Soomalida ee ku dhaqan dalkas ay cabsi ka muujiyaan ayaa lugu guulaystay in la soo afjaro sida ay sheegeen qaar ka mid ah waxgaradka arintaa dhaxgalay.


Soomaalida ku dhaqan dalka Yaman ayaa badankood ah kuwa siyaaba kala duwan dalkaa ku gaaray waxaana aya sheegeen in intabadan xaalada adag kala kulamaan dadka ku dhaqan dalka yaman ee asal ahaan ka soo jeeda kuwaas oo ay ku eedeeyeen in si xum ula dhaqmaan mararka qaar.


Arimahaa ay iminka guusaha laga garay ayaa ahaa kuwa gabi ahaanba gil gilay Soomaalida ku dhaqan xerada Allkharaz ee dalka Yaman waxa ayna amuurtaa ka danbaysay kidib markii dhibaatooyin badan ay dadkaa Yamaniinta ah kala kulmeen .


Ciidamada booliiska ee dalka Yaman ee loo xil saaray ilaalinta xeradas ayaa goobaha ay rabshadahas ka jireen waxa ay ka bilaabeen howlgalo amni sugid ah waxa ayna ka digeen in aysan halkaa ka dhicin wax iskau dhacaya ah oo dhaxmara Soomaalida iyo Yamaniinta.


Qaxootiyada ku dhaqan dalka Yaman ee Soomaalida ah ayaa ah kuwa isku hiiliya xiliyada ay la kulmaan dhibaatooyin dhan ka ah sida qaar ka mid ah dadkaa xaqiijiyeen waxana rintaa ka careesisaa dadka yamaniinta oo iyaga qudhoooda sheegay in dhibaato adag ay soomaalida halkaa ku dhaqan ku hayso.


Source:RBC NEWS

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News