Thursday, April 22, 2010

Colonel Abdi Aden Magan oo Dacwad lagu Soo Oogay.

Colonel Abdi Aden Magan oo ahaa madaxa hay’addii nabad sugidda ee loo yaqaanay NSS waaxdeede dambi baarista ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre, ayaa lagu soo oogay dacwad ka dhan ah.

Waxaa dacwaddaas kusoo oogay Colonel Abdi Aden Magan hay’ad fadhigeedu yahay magaalada Washington oo afka qalaad lagu yiraahdo ‘Center for Justice and Accountability.’ Hay’addaas oo matalaysa nin lagu magacaabo Abukar Hassan Ahmed, oo ku eedeeyey Colonel Abdi Aden Magan inuu xiray oo weliba ku sameeyey jir dil saamayn wayn ku yeeshay caafimaadkiisa.


Waxaa dacwadda ka dhanka ah Colonel Magan oo haatan ku nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio, lagu xusay inay isku hayb yihiin Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre, Alle ha u naxaariistee.

Maxkamadda dacwadda qaadaysa ayaan weli wakhti u qaban xiliga ay dhagaysan doonto labada dhinac.

Warkan oo dhamaysatiran kuna qoran luuqadda English ka halkan ka daalaco




1 comments:

  • Anonymous says:
    May 16, 2010 at 10:40 AM

    Hadii uu Abgaal, Hawiye (Waa siduu shegtay ninka dacwoonayee), ama (Isaaq, Waa Caawiyayaasha Ninka dacwoonaya) arinta aya wadaan ay tahay qabiil, waa in lala dagaalamo. Waxaase Foolxumo wayn ah (USC)dii dadka ka soo Cayrsatay Ilaa iyo soomaaliya in ay manata dadkii lasoo laayey intii ka soo gaartay America in looga daba yimaado oo la dacweeyo. Waxaase Nasiib daro ah in ay dhankii lasoo cayrsaday anyna ka dhiidhin arintaan oo ayna kadagaalamin.

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News