Saturday, April 24, 2010

Ciidanka Booliska Magaalada Gaalkacyo Oo Gacanta Ku Dhigay Qalab Milateri Oo Loo Waday Magaalada Garoowe Ee Xarunta Puntland


Booliska magaalada Gaalkacyo ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari Bas ah oo ay saarnaayeen jaakadaha xabadaha celiya ee la yiraahdo (Bullet Proof),iyo agab kale oo malatari kaasi oo ay kasoo qabteen Kontroolka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Booliska gobolka Mudug Col.Muuse Axmed Xasaasi oo u waramayay saxaafada ayaa sheegay in gaarigaasi ay wadeen labo nin oo u sheegay in ay u kala dhasheen dalalka Soomaaliya iyo Yemen isla markaana ay waqtigaan ku xiranyihin Saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo.

"Waxaa ay inoo sheegeen labada eedeysane ee aanu ku qabanay qalabkaasi xabadaha celiya in ay kasoo qaadeen Shirkad lagu magacaabo Al-Mustaqiim ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho,taasi oo ay sheegeen in ay kula heshiisay in qalabka ay geeyaan magaalada Garoowe",ayuu yiri.
Taliyaha ayaa Sidoo kale wuxuu ku tilmaamay warar aan sal iyo raad lahayn aya sheegaan in qalabka ay Ciidamadu qabteen laga soo dejiyey dekadda magaalada Bosaaso ayna ku wajahnaayeen Koonfuurta dalka Soomaaliya isagoo tibaaxay in qalabka ay qabteen ee xabadaha celiya aysan ahayn markii ugu horeeyey ay qabtaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News