Friday, April 30, 2010

Ciidamo Taabacsan Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo Dagaal Kula Wareegay Degmada Madiina


Ciidamo Taabacsan Xildhibaan Muuse Yalaxoow ayaa maanta dagaal kula wareegay deegaano badan oo katirsan degmada Madiina magaalada Muqdisho oo maalintii 2-aad ay maanta ka dheceen dagaallo u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ah.


Ilo wareedyo ayaa shabakadda Dalkayaga.com u xaqiijiyay in Ciidamada Muuse Suudi ay maanta duhurkii lawareegeen Jidgooyooyin ay horay u joogeen ciidan kale oo taabacsan Gudoomiyaasha Wadajir iyo dharkeynleey.


Maleeshiyaad daacad u ah oo qaab beeleed u abaabulan ayaa laxaqiijiyay in caawa ku suganyihiin Mac-macaanka, suuqa weyn iyo aargada oo ay shalay iyo maanta dagaallo ku dhaxmareen ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ah.


Qof ku sugan degmada Dharkeynleey ayaa xaqiijiyay in xaafadaha deegaanada Madiina caawa laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan, Taliyihii Ciidanka Muuse Suudi oo Jeebo lagu magacaabo ayaa laxaqiijiyay in uu dagaalka hormuud u yahay.


Dagaalkii maanta ayaa dhaliyay dhimashada 3 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen Ciidamadii dowladda ee qaab beeleedka u dagaalamayay, Cali Yare oo isna katirsan Booliska Gobalka Banaadir balse hadda lasafan Muuse Suudi ayaa xaafado badan lawareegay.


Ciidankan dagaalamaya ayaa isku haysta jidgooyooyin ay gaadiidka dadweynaha lacago uga qaadaan kadib mushaar yari soo wajahday Ciidamada Dowlada kMG ah, shacabka ku dhaqan degmada Madiina ayaa xusuustay xiligii ay Awooda dalka hayeen dagaal oogayaashii hore oo wadooyinka si macna dara ah ugu dagaalami jiray.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News