Thursday, April 22, 2010

Ciidamo Ethiopian Ah Oo Xalay Bandow Ku Soo Rogay Degmaca Ceelbarde Ee Gobolka Bakool

Wararka laga helayo degmada Ceelbarde ayaa sheegaya in xalay halkaas ay bandow ku soo rogeen ciidamo Ethiopian ah oo shalay soo gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo dhawaan ay ka dheceen dagaallo u dhexeeyey ciidamo kalka taabacsan mamulka Sheeikh Shirif  iyo Ururka Al-shabaab.


Bandowga ayaa lasheegay inay halkaas ku soo rogeen saraakiisha horkacaysa ciidamada Ethiopianka ah ee shalay la wareegay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, iyadoona xalay guud ahaan uu istaagay dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa sheegaya in howlgallo ay ciidamada Ethiopianka ah ka sameeyeen degmada Ceelbarde ay ku qabqabteen 4-qof oo dhalinyaro ah kuwaas oo aan weli la ogeyn halka ay geeyeen ciidamada Ethiopia.

Malaaq Cali Muumin oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan gobolka Bakool ayaa u sheegay warbaahinta inay ka xun yihiin fara galinta ay dowladda Ethiopia ku heyso deegaano katirsan gobolka Bakool ee dalka Somalia, waxaana uu ugu baaqay inay dowladda Ethiopia si deg-deg ah ciidamadeeda ugala baxdo halkaas.

Bandowga ay ciidamada Ethiopian-ka ah ku soo rogeen degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmihii ugu dambeeyey ay halkaas ku dagaalamayeen ciidamo kala taabacsan dowladda KMG ah iyo ururka Al-shabaab.

Dalkayaga.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News