Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, April 22, 2010

Ciidamada Faransiiska Ee Ku Sugan Xeebaha Somalia Oo Gacant Ku Dhigay 6-kamid Ah Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida

Ciidamada badda dalka Faransiiska ee ku sugan xeebaha dalka Somalia ayaa lasheegay inay gacanta ku dhigeen lix kamid ah kooxaha burcad badeeda Soomalida ah ee maraakiibta ka qafaasha xeebaha dalka Somalia.

Sargaal katirsan ciidamada badda dalka Faransiiska ayaa sheegay in markab dagaal oo ay leedahay dowladda Faransiiska uu gacanta ku dhigay kooxaha burcad badeeda ah kadib markii ay ku qaldameen markabka dagaal ee Faransiiska.

Sargaalka ayaa sheegay in kooxaha burcad badeeda ay markabka u maleeyeen mid ganacsi, hase ahaatee markii ay kasoo ag dhawaadeen ay garwaaqsadeen in markabka uu yahay markab dagaal, waxaana uu sheegay in markaa kadib ciidamada Baddan Faransiiska ay u suura gashay inay gacanta ku dhigeen kooxihii burcad badeeda ahaa.

Lama oga sida ciidamada badda dalka Faransiiska ay ka yeeli doonaan kooxaha burcad badeeda ah oo ay gacanta ku dhigeen maadaama maamulka Puntland oo horay ciidamada badda dalka Faransiiska ay ugu wareejin jireen burcad badeeda ah qabtaan uu dhawaan diiday in la soo gacan galiyo burcad badeeda.

kooxaha burcad badeeda ah ayaa inta badan ku hungooba afduub ay u geysan lahaayeen maraakiib shisheeye, iyagoona marar badan maraakiib dagaal mooday kuwa ganacsi.
 
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News