Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, April 30, 2010

Ciidamada Bada France Oo Gacanka Ku Dhigay Koox Burcad Badeed


Markab dagaal oo ay ciidamada bada France leeyihiin ayaa burburiyay dooni ay Burcad badeedu lahaayeen xili ay mraysay meel 438 Mile u jirta xeebaha Soomaaliya,waxaana ay gacanta ku dhigeen 11 Burcad badeed ah oo saarnaa doonidaas.


Markabka dagaalka oo lagu magacaabo Nivose light ayaa goor dambe oo maalinimadii khamiista waxaa uu joojiyay dooni ay Burcad badeed Soomaali ah wateen,waxaana ay baaritaan ku sameeyeen doonidaas,taas oo markii dambe keentay in ay burburiyaan doonidii iyo labo saxiimadood oo ay saarnaayeen Burcad badeeda.


Qabashada Burcad badeeda iyo burburinta doonida ay wateen ayaa imaanaysa xili ay qaramada Midoobay ku howl jirto samaynta sharciyo ka dhan ah Burcad badeeda oo ay kamid yihiin Maxkamadayntooda xiliga ay Maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay qabtaan.


Markabka dagaalka Fransiiska ee haatan gacanta ku dhigay Burcad badeeda ayaa qayb ka ah Maraakiib dagaal oo fara badan kuwaas oo Midowga Yurub ka jooga xeebaha Somaliya.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News