Friday, April 23, 2010

Ciidamada Amisom Fariisin Cusub Ka Samaystay Degmada Shingaani



Ciidamada Amisom ayaa maanta fariisimo ka sameystay Bankigii Ganacsiga iyo Hotelkii Curuba ee degmada Shingaani, halkaasoo shalay si xoog looga saaray qoysas barakacayaal ah oo muddo deganaa.

Ciidamada Amisom oo wata saanadooda milateri, isla markaana ay wehliyaan afar ka mid ah Taangiyadooda iyo gawaarida qoryaha daran dooriga ku rakiban yihiin ayaa saldhigtay labadaas barood.


Dadka ku nool degmada Shingaani ayaa cabsi hor leh ka muujiyay fariisimaha cusub ee ay Ciidamada Amisom ka sameysteen, waxaana dadka qaarkood ay wal wal ka qabaan in weeraro madaafiic lagu soo qaaday halka ay fariisinka ka dhigteen ciidamada.


Wararka ayaa sheegaya in qorshaha Ciidamada Amisom saldhiga uga sameysteen halkaas ay tahay mid dhinaca Istiraatiijiyada, taasoo qeyb ka ah in si tartiib tartiib fariisimo baaxad leh uga dhigtaan qeybaha Waqooyiga Muqdisho.


Ciidamada ayaa dhufeysyo ka sameystay hareeraha labadaas barood, halka ay daaraha saarteen qoryaha daran dooriga u dhaca iyo kuwa shiishka leh ee meelaha fog dadka looga toogto.


Barta ay dageen Ciidamada Amisom waxay shalay dowladda si qasab kaga saareen qoysas barakacayaal ah, kuwaasoo xilligan aanay heysan meelo ay dageen, waxaana arrintan ay ka dhalan kartaa caro iyo naceyb ballaaran, iyadoo aan ilaa iyo iminka dowladda dadkaas u sameyn wax dib u dejin ah.


Lama oga ujeedada ka dambeysay fariisimahan cusub, ha yeeshee waxay arrintan dad badan ku macneeyeen mid ay Ciidamada Amisom ku xoojinayeen goobta ay u asteeyeen qadka cagaaran ee KM-0, halkaasoo aanay ka fogeyn kooxaha mucaaradka oo gadaal marsaday inta badan degmooyinka Waqooyiga Muqdisho.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News