Tuesday, April 20, 2010

Ciidamada Amaanka Bosaaso oo Gacanta ku soo dhigay Walxaha Qaraxa


Wasaarada Amniga Puntland ayaa gacanta ku soo dhigtay walxaha qarxa oo la dhigay agagaarka Netco ee Bartamaha Magaalada Bosaaso.


Wasiirka amniga Puntland Yuusuf Axmed khayr iyo Saraakiil amaanka Qaabilsan oo shir ku qabtay Wasaarada Maaliyada ayaa Qalabkan oo Ah Walxaha qaraxa ku tilmaamay Mid halis badan.
Waxaa kaloo uu sheegay Wasiirka amniga in Bambka la soo qabtay uu yahay Nooca laga hago gacanta ,isla markaana halkii mar uu dilli karo in ka badan 100 ruux oo meelo kala duwan ku sugan.



Yuusuf Axmed Khayr Wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay in uu baxsaday Ruuxii Qalabkan wadada dhigay ,Balse ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu soo qabto danbiilahaasi.

Ma hayno Qofkii wadada dhigay Bambada ,Balse waxaan haynaa Ruuxii arkay xilligii uu wadada dhigayay "ayuu yiri Wasiirka oo warbaahinta la hadlayay.

Qalabkan la soo qabtay ayaa ka kooban Birrta Shubka lagu dhiso iyo Baaruud,Waxaana la socday Battari iyo Ramuudkii lagu qarxin lahaa,iyadoo la dhigay Meel Mashquul badan oo ay dadku ku badan yihiin.

Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa amar balaaran ku soo rogay dadka ka ganacsada Baaruudda iyo biraha guryaha lagu dhiso,Waxaana uu sheegay in aan fasax loo haysan ka ganacsiga Qalabkaasi tan iyo xal loo helayo arimaha jira.

Ugu danbayntii Wasiirka amniga Puntland yuusuf Axmed khayr ayaa sheegay in la qaadayo talaabooyin Muhiim ah oo lagu hormarinayo amaanka degmada Bosaaso ee xarunta G/Bari oo habeeno ka hor ay ka dhaceen falal kala duwan .

Source:HOL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News