Thursday, April 29, 2010


Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay fashilantay dowlada Federaalka Somaliya oo marxalada kala gedisan soo martay intii ay ku sugneed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba welina aan wax isbedel ah soo kordhin.



Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibadiisa waxna ka dhiga Jaamacadda Minnesota, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Baarlamanka Dowlada KMG ah Somaliya wuxuuna khilaafkaasi ku tilmaamay mid muujinaya hogaan xumo baahsan sida uu hadalka u dhigay.

Qilaafka oogan ee ka dhaxeeyo Baarlamanka Soomaliya ayaa waxa uu ku tilmaamay in uu yahay wax aan wanaagsaneyn loona baahneyn in is Jiid Jiid xilgaan soo kala dhax galo Baarlamanka Soomaliya.

"Qoladan Dowlada sheeganaysaa malahan qaab dowladeed waxaa u haboon in ay xilka iska casisho oo ay dadka Soomaaliyeed dhibka ka dul qaado"ayuu yiri Samatar.

Aqoonyahanada ayaa eedo kala dul dhacaya dhinacyada Soomaaliya ka dagaalama oo ay sheegeen in aysan ka shaqayn danaha Shacabka Soomaaliyeeed, warkan kasoo yeeray Samatar ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf daran u dhexeeyo baarlamanka dowlada KMG ah.

Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News