Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, April 28, 2010

Ahlusunna: dagalku waxa uu ka bilaaban doonaa S,xoolaha, Ceelasha, Afgooye iyo Dayniile


Afhayeenka culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu yuusuf Alqaaddi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shalay ay magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabeen dagaal kadhan ah xoogagga dowladda kasoo horjeeda.


Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadooda ay joogaan deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxaha mintidiinta ah ee Al -Shabaab- iyo Xisbul-islum,sida deegaanada Suuqa xoolaha, Ceelasha biyaha, Dayniile iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabelaha hoose oo dhamaantood gacanta ugu jira xoogagga kasoo horjeeda dowladda KMG Somalia.


Afhayeenka ayaa ku fanay in ciidamadooda ay dhowaan gacanta ku dhigi doonaan dhamaan goobahaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.


Ahlusunna-waljamaaca ayaa noqon doonta mid afareysa sedex awoodood oo horey uga jirtay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kala ahaa dowladda KMG, Shbaabul-mujaahidiin iyo ururka Xisbul-islaam iyagoo dhowanna gobolka Bnaadir u magacaabay gudoomiye cusub oo noqonaya gudoomiyihii afaraad oo uu yeesho gobolka Bnaadir.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News