Tuesday, April 20, 2010

Afhayeen U Hadlay Culumaa,udiinka Ahlu Sunna Oo Beeniyay Hadal Ka Soo Yeeray Saaka Saraakiil Ka Tirsan Ururka Alshabaab


Afhayeen u hadlay Culimada Ahlusuna Waljameeca oo lagu magacaabo Sh C/qaadir Soomow ayaa waxaa uu been iyo borobogaando ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaab ee ahaa in xarakadu ay la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ka mid yihiin Masagawaa iyo Qalcad.


Afhayeen Soomow waxaa uu sheegay in degmada Masagawaa ay iminka ku sugan yihiin culimada ahlusuna Waljameeca ayna jirin ciidan ka tirsan Alshabaab oo ku sugan ayna xoog kaga saareen mar ay duleedka u soo fariisteen waa sida uu hadalka u dhigaye .

Waxaa uu intaasi ku daray Sh Soomow hadal uu warbaahinta siiyay in degmada kale ee ay sheegteen gacan ku heynteeda Alshabaab uu hadda uu dagaal ka soconayo ayna Culimaa udiinka Ahlusuna kula dagaalamayaan dhinacyo ka tirsan Alshabaab oo saaka duulimaad ku soo qaaday.

Sida uu xaqiijiyay dagaalka waa mid culus mana sheegin wax khasaare ah oo labada dhinac ah balse waxaa uu sheegay in uu jiro dagaal xoogan oo dadka ku soo duulay Qalcad loogaga saarayo.

Xaalada ayaa gebi ahaan isbedeshay deegaanada ku xeeran gobolka galgaduud ka dib markii ay soo cusboonaadeen dagaalo xoogan oo Ahlusuna waljameeca iyo Alshabaab u dhaxeeya oo ka qarxay qeybo ka mid ah gobolka, waxaana soconaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo deegaanada ay ku kala suganyihiin ka wadaan labada dhinac.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News